Maamulka degmada Baraawe iyo wasaaradaha KG oo kulan muhiim ah yeeshay

(DIINSOORTV)  Gudoomiyaha Degmada Baraawe ahna duqa caasimada Dowlada Koonfur Galbeed mudane Omar Sheikh Abdi Shafaana ayaa kulan la qaatey iskuduwayaasha wasaaradaha Dowlada Koonfur Galbeed ee ka howl gala magaalada Baraawe.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay iskuduwayaasha kala ah Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta,Wasaarada kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga,Wasaarada Tamarta iyo Biyaha,Wasaarada Diinta iyo Arimaha Owqaafta,Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Wasaarada Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta sare.

Kulankan ayaa waxaa shir-gudoominayey gudoomiye Omar Sheikh Abdi Shafaana waxaa uuna warbixinno kala ka dhegeystey dhamaan iskuduwayaasha kasoo qeyb galay kulanka, waxaa ayna ka warbixiyeen adeegyada ay u hayaan bulshada kudhaqan magaalada Baraawe.

Ugu dambeyn gudoomiye Omar oo kulanka soo xirey ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta in ay dardar geliyaan howlaha hortebinta leh.

   

 

Daawo Wasaaradda qorshenta Dowlada koonfur galbeed oo lagu wareejiyay Gaadiid

Diinsoortv Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada koonfur galbeed ayaa maanta la wareegtay gaari Toyota Land Cruiser oo lagu talagaley hormarinta Mashruuca looso gaabiyo “SHIR” ee ay maal galiso hey’ada GIZ.

Munaasabad kooban ee Wareejinta gaariga ayaa ka Qabsoontay xarunta wasaarada Qorsheynta waxaana Ka Soo Qaybgalay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Dowlada koonfur galbeed Mudane Hussein Sheikh-hussein Agaasimaha Guud wasaarada Qorsheynta Mudane Yakub Isak Hussein iyo Madax ka socotay hey’ada GIZ xafiiska Baydhabo.

Wasiirka wasaarada Qorsheynta ayaa uga mahad celiyey hey’ada GIZ Wada shaqeynta wagaasan ee kala dhaxeysa wasaarada waxa uuna xusay in gaarigaan Loogu Talagalay in lagu Fududeeyo adeeg bixintan wasaarada.

     

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Sawiro Diinsoortv Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

 

Madaxweybaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey  Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arki jirin, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimilada”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimilada, isaga oo adkeeyay in dalalku ay u sinnaadaan fursadaha maalgashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

” In si wanaagsan loo maareeyo, loona ilaaliyo badqabka deegaanka Soomaaliya, iyadoo dowladdeena ay ka go’an tahay arrinkaas, waxay xaqiijin doontaa in kheyraadkeenna baaxadda leh oo ay ka mid yihiin baddeenna, dhulka hodonka ah iyo xoolaha aan ku tilmaamannahay ay fursad u noqdaan shaqo abuurka, tamarta cagaaran iyo kobac dhaqaale ee dalkeenn iyo guud ahaan Geeska Afrika”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya diyaarisay shuruucda lagu ilaalinayo deegaanka iyo qorsheyaasha lagu fulin lahaa, iyadoo bartamaha sannadkan dalka laga mamnuucayo bacaha iyo balaastiigga waxyeeleeya deegaanka,  taas oo ay barbar socoto barnaamijka lagu dhireynayo Soomaaliya oo bilowday sannadkii 2022.

     

Munaasabad Dhaqan oo Muqdisho Ka Dhacday oo Mideysay Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka

Warbixinta todobaadlaha ah ee waxqabadka dowladda Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee

Fowsiyo oo ku dhawaaqday inay tahay Musharax u taagan xilka Midowga Afrika

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, oo doorashadiisa la qaban doono 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda.

 

Marwo Fowsiyo ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay xilkan, iyadoo xustay in qofka xilkan qabta uu faa’iido u horseedi karo dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxay intaas ku dartay: “Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya.”

Xildhibaan Foosiya ayaa hadalkeeda ku soo gebegabeysay in Soomaaliya fursad aad u sarreysa ay u leedahay hanashada xilkan haddii lagu bixiyo dadaal ku filan.

DF OO QAADAY TALLAABO CULUS OO LAGU SOO AFJARAYO SHABAABKA KU SUGAN

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo maanta ka socda aagga magaalada Camaarka ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgallada ayaa xoogooda waxa ay ka socdaan inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Caad, halkaas oo ay weeraro kasoo abaabulaan xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka uu yahay ka hortegga weerarada Al-Shabaab kasoo qaadaan halkaasi, kuwaas oo u badan hoobiyeyaal.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay ka war hayaan meelaha ku dhuumaaleysanaan maleeshiyada kooxda, balse ay soo afjari doonaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee laga dareemayo halkaasi.

Paul Pogba Oo 4 Sano Laga Ganaaxay Kubada Cagta, #Diinsoortvsport

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa laga ganaaxay kubada cagta sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in muddo 4 bilood ah Paul Pogba laga ganaaxay kubada cagta.

Pogba ayaa lagu helay dambi ah in uu istcimaalay daroogo taas oo mamnuuc ka ah ciyaartoyada kubada cagta.

Xiddiga reer France ayaa muddo sugayay go’aankan iyada oo haatan la shaaciyay mustaqbalkiisa.

Pogba ayaa haatan garoomada ka ganaaxnaan doona muddo 4 sano ah kadib dambiga lagu helay.

Before leaving Somalia, African Union should provide compensation for civilian harm

The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), formerly known as AMISOM, plans to exit Somalia by the end of December 2024. For the mission’s credibility, and as a gesture of respect to civilians, it is critical that ATMIS provide amends, including through monetary compensation such as condolence payments, to the numerous civilian victims harmed by the mission’s forces. This compensation is crucial, given the impact of combat operations over the many years of ATMIS’ deployment.

The ATMIS drawdown is already underway. In the past year, through two phases thus far, the force has withdrawn a total of 5,000 troops from Somalia, reducing the initially deployed 17,000-strong contingent from neighboring countries to about 12,000. In theory, unless the Somali government requests a delay, subject to approval by the United Nations Security Council, ATMIS is scheduled to fully withdraw by the end of this year. Upon ATMIS’s withdrawal, the Somali National Army (SNA) will have to assume full responsibility for the country’s security.

Background

The original African Union Mission in Somalia (AMISOM), ATMIS’ predecessor, was deployed in Somalia in 2007 with a mandate to protect and support the weak, fragile government in Mogadishu, and to reduce the threat posed by al-Shabaab and other armed opposition groups opposed to the government in Somalia. At its peak in 2014, it grew to a force of more than 22,000 African troops from Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, Djibouti, and Sierra Leone. AMISOM, from the start, was never a peacekeeping force in the conventional sense, as there was no peace to keep in Somalia. Unlike typical conventional peacekeeping forces, the operational environment in Somalia, at one time ranked the most dangerous country in the world, has been difficult for the troops. AMISOM found itself fighting a counterinsurgency campaign against al-Shabaab, and filling in as the de facto army for a long time.

AMISOM transitioned to ATMIS in April 2022, following an agreement between the Somali government and the African Union for a phased drawdown. Combined, ATMIS and AMISOM have been deployed in Somalia for 17 years. The withdrawal from Somalia is mainly driven by donor fatigue, as the European Union, the mission’s main financier, has reduced funding over the years. Somalia’s traditional partners, including leading security assistance providers such as the United States, the EU, and the U.K., also feel it’s time Somalia and its own internal security forces took charge of the country’s security. Thus, over the years, they have been actively engaged in strengthening the capabilities of the SNA in anticipation of ATMIS’s departure.

African Union forces have caused civilian harm over the many years of the mission’s deployment in Somalia, particularly during the initial years between 2007 and 2011. Throughout its 17-year deployment, only a handful of condolence payments have been made by the peacekeepers, primarily by the Ugandan contingent, as the African Union and its international partners have not invested significantly in amends. With the African peacekeepers now withdrawing from the country, it is crucial for the AU and its partners to ensure that Somali civilians are compensated for death, injury, and property damage resulting from ATMIS’s and AMISOM’s many years of combat operations.

Evolving Civilian Protection Practices 

When it was first deployed, AMISOM did not have an explicit civilian protection mandate. While AMISOM troops achieved significant military successes against al-Shabaab over the years, these operations – often in dense urban centers – exacted a considerable toll on the Somali civilian population. While comprehensive statistics are challenging to obtain in a vast and complex country with multiple actors and no precise recording of civilian harm, AMISOM’s operations caused significant harm to the Somali civilian population, especially in its early stages. The findings of the last comprehensive three-year joint assessment report conducted on the protection of civilians in Somalia by United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the U.N. Office of the High Commissioner for Human Rights (OHCHR) for the period ended December 2019, attributed 2 percent of the total 5,133 civilian casualties recorded (2,338 killed and 2,795 injured) to AMISOM.

In particular, during the liberation of the capital city of Mogadishu between 2008-2011, the protection of civilians arose as a primary concern, with significant costs for the mission’s credibility. Specifically, civilians found themselves caught in the crossfire between government forces supported by AMISOM and al-Shabaab insurgents. Urban warfare in Mogadishu unfolded along traditional frontlines, with government forces and AMISOM controlling one part of the city while al-Shabaab controlled another. Trenches and sandbag walls demarcated the boundaries between warring factions.

In these circumstances, all parties heavily relied on artillery and other indirect fire weapons, exposing civilians to significant risks of death, injury, and property damage. Al-Shabaab  frequently launched mortar attacks on AMISOM positions from densely populated Mogadishu districts, prompting retaliatory indirect fire from AMISOM. Civilians also frequently found themselves caught in the crossfire between al-Shabaab and government forces supported by AMISOM as the frontlines in Mogadishu moved unpredictably, sometimes daily.

The African Union and its partners took notice of civilian protection concerns when fears emerged that growing concerns of civilian casualties were undermining missions’ operational success and credibility. Measures were subsequently taken to better protect civilians at risk. In particular, significant reforms were needed in AMISOM’s rules of engagement and indirect fire policy to minimize civilian harm.

In 2011, at the request of the African Union, the organization where I work, the Center for Civilians in Conflict (CIVIC), and other experts were asked to advise on revisions to AMISOM’s Indirect Fire Policy (IDF). The revision recommended the creation of a Civilian Casualties Tracking, Analysis, and Response Cell (CCTARC) within AMISOM, dedicated to tracking civilian casualties and responding to harm to civilians. The cell began tracking all AMISOM-related civilian casualties in June 2015. Through the CCTARC, AMISOM also committed to developing a mechanism for making amends or condolence payments for civilian harm.

The revision of AMISOM’s IDF policy introduced a more stringent chain of command for the use of mortar and artillery fire. It also mandated the creation of “no-fire zones” around civilian infrastructure such as hospitals, residential areas, markets, religious sites, and internally displaced persons camps. Following these reforms and the shift of operations away from major urban centers, instances of civilian harm caused by AMISOM decreased.

Continued Accountability Challenges 

Despite these improvements, harm to civilians and their properties by AMISOM/ATMIS persists – as does the mission’s legacy of harm as it plans its transition.

Most of the casualties reportedly caused by ATMIS currently result from retaliatory or indiscriminate fire from ATMIS troops when attacked by al-Shabaab using improved explosive devices (IEDs), landmines, or grenades. Equally, although the number of incidents seemed to have declined during the three-year period of the above-referenced U.N. report, a significant source of harm inflicted by ATMIS/AMISOM has been from AU vehicles inadvertently harming civilians while traveling at high speeds in Mogadishu and other cities in south-central Somalia. Additionally, mortars fired by ATMIS at al-Shabaab fighters’ positions, particularly in Forward Operating Bases (FOBs), sometimes land in civilian areas, resulting in civilian casualties, injuries, and property damage.

For instance, in July 2023, a father interviewed by this author reported that his son’s family was injured, and their house destroyed when an ATMIS mortar hit their house in Bariire, Lower Shabelle region, at night. The family, consisting of the son, his wife, and their three sons, suffered injuries, with some being severe, and they were all hospitalized in Medina hospital in Mogadishu for 23 days. ATMIS expressed regret, acknowledging responsibility for the mortar launched from their nearby base. They informed the family that they reported the incident to ATMIS headquarters in Mogadishu. The family has not received any form of compensation, even after visiting ATMIS headquarters, despite the fact that some family members are still nursing injuries and receiving medication.

Under the CCTARC, ATMIS/AMISOM has conducted preliminary investigations into alleged violations of civilian harm caused by its troops. In instances in which a prima facie case was established, the mission convened boards of inquiry to investigate these violations and assess civilian harm. Additionally, the mission has provided additional training on the protection of civilians for its troops. In some cases, ATMIS/AMISOM leadership publicly acknowledged and expressed regret for civilian casualties, acknowledging the harm caused by its forces.

CCTARC, however, has faced challenges both operational and political, and has not received sufficient prioritization from the mission, the African Union, troop-contributing countries, and donors. The cell has also faced staffing challenges. It is important to note that by no means has the CCTARC collected and investigated all cases of civilian harm attributed to AMISOM/ATMIS, which could number dozens annually according to some estimates. Ultimately, legal accountability for violations is dependent on the individual troop contributing country who were expected to conduct their own investigations after AMISOM’s investigations or boards of inquiry findings. Consequently, there was at least one reported instance in which a country providing troops, Uganda, enforced legal accountability by punishing its troops for causing harm to civilians.

The Need for Amends 

ATMIS has struggled to provide compensation or assistance to civilian victims and families affected by its operations. Despite almost  a decade of operation of CCTARC, there have been only a few instances, notably by the Uganda contingent, of condolence or “ex gratia payments,” mostly through unofficial channels. However, as a mission, ATMIS has been unable to offer any form of monetary compensation or assistance to victims due to the lack of a funding stream to support such initiatives.

In 2016, AMISOM drafted Standard Operating Procedures (SoPs) for compensating civilian harm in Somalia. However, these efforts were unsuccessful due to the lack of financial support from the African Union and donors. In a media interview in June 2023, the special representative of the chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia and Head of ATMIS, Ambassador Mohammed El-Amine Souef, lamented the lack of funds for “ex gratia payments.”

GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA SAMILAND OO ISKU SHAANDHAYN KU SAMEEYAY GUDI HOOSAADYADA GOLAHA!

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey Guddi-hoosaadyada Golahaasi ka kooban yahay.

Guddoomiye Faratoon, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay 10 Guddi-hoosaad oo Golahaasi Kooban Yahay.

Guddi-hooyaadyada Golaha Wakiillada JSL ee la magacaabay, ayaa kala ah:

1) Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga

2) Guddida Joogtada iyo Anshaxa

3) Guddida Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Nabadgelyada.

4) Guddida Shareecada Islaamka, Dhaqanka iyo Qoyska.

 

5) Guddida Arrimaha Bulshada.

6) Guddida Howlaha Guud, Tiknoolajiyadda, Guriyeynta iyo Gaadiidka.

7) Guddida Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorsheynta iyo Maalgeshiga.

8) Guddida Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha.

9) Guddida Kheyraadka iyo Deegaanka.

10) Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka.

Guddiyadan ayaa loo Qaybiyey 78 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Mudane ee Golaha wakiillada Somaliland ka kooban Yahay.

HALKAN KA AKHRI MAGACYADA XILDHIBAANADA IYO SIDA AY GUDIYADA UKALA JIRAAN;