Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Madaxtooyada ku Qaabilay Xisbiga SINCAD

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha xisbiga, Maxamuud Khaliif Jabiye, waxaana ku wehliyay musharraxa xisbiga ee u tartamaya doorashada Koonfur Galbeed, Cabdifataax Maxamed Ibraahim.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta howlaha doorashooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli ay socoto diyaar-garow xooggan oo ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ku ammaanay Xisbiga SINCAD sida ay ugu diyaarsan yihiin ka qeybgalka doorashada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xasilloonida iyo maamul wanaagga.

Dhankiisa, guddoomiyaha xisbiga, Maxamuud Khaliif Jabiye, ayaa uga mahadceliyay hoggaamiyaha kulanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in guddiyada doorashooyinka ay ku howlan yihiin sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.

Wafdi Qaramada Midoobay. oo gaarey magaaladda Baydhabo

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Vikram Parekh iyo Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Morgan Dube.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arimaha Gudaha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadeed ee Dowladda Koonfur Galbeed, xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa geeddi-socodka dowlad-dhisidda, dimuqraadiyadda iyo xasilloonida.

Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerada ay siinayaan Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowliga ah, nabadeynta, iyo hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Hoggaamiye Jibriil ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorkooda muhiimka ah ee taageerada Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga si loo gaaro horumar waara nabad iyo xasilooni.

Dagaalyahannada Al Shabaab oo weerar ku miray saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in jihaadiyiinta Al Shabaab ay markale weeraro culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada soo duulayaasha Xabashida Itoobiya. Xalay fiidkii ayay dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor. Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka Read more

Wacyigelinayo Ka hortaga Ka ganacsiga Gurmadka Oo Lagu qabtay Diinsoor. Wararka diinsoor

#diinsoortv Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Degmada Diinsoor ku daahfurey Wacyigelinta Bulshada ka hortaga ka ganacsiga Sahayda Gurmadka Bani’adannimada. Kulanka Waxaa ka soo Qeyb galey Xubno ka tirsan Maamulka Degmada Diinsoor, Saraakiisha Ciidanka Booliska, Culimada deegaanka, iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Degmada Diinsoor.

Maamulka degmada Baraawe iyo wasaaradaha KG oo kulan muhiim ah yeeshay

(DIINSOORTV)  Gudoomiyaha Degmada Baraawe ahna duqa caasimada Dowlada Koonfur Galbeed mudane Omar Sheikh Abdi Shafaana ayaa kulan la qaatey iskuduwayaasha wasaaradaha Dowlada Koonfur Galbeed ee ka howl gala magaalada Baraawe. Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay iskuduwayaasha kala ah Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta,Wasaarada kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Read more