MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO SHIR UGA QAYB GALAYA MAGAALADA NAIROBI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda Caalamka ee ka qeybgalaya shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha deegaanka ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweynayaal iyo in ka badan shan kun oo wakiilo ah oo ka kala socda Dowladdo, bulshada rayidka ah iyo shirkaddo gaar ah ayaa ka qeybgali doona shirkan oo socon doona illaa 1da bisha Maarso ee sanadkan 2024.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa isna la filaya inuu kasoo qeygalo shirkan, xilli ay weli taagan tahay xiisadda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in hadal uu ka jeediyo shirka sidoo kalena uu  kulamo doceedyo la yeesho Madaxda ka qayb galaysa shirkaas marka laga reebo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo ku soo xadgudbay Midnimada , Wadajir  iyo Madax Banaanida Dhuleed ee Soomaaliya .

Waa shirkii lixaad ee arrimaha deegaanka ee Qaramada Midoobay, xilli isbedalka cimilada iyo wasakhowga hawadu ay sii dhaawacayan noolaha Caalamka .

Xarun dadka waaweyn wax lagu baro oo laga furay Deegaanka Dadaab

Xiryaha qoxootiga dhadhaab ee dalka keynya waxaa ka jira iskuulo waxbarasho oo leh hoose/dhaxe iyo sare oo lacag la’aan ah oo ay maamulaan hay’adaha samafalka ama ka shaqeeya arimaha waxbarashada ayaa waxaa ka faa’ideystaa carruurta yar yar balse waxaa banana fursado waxbarasho aan heysanin dadka waa weyn.

Labo sano ka hor xirada qoxootiga xagardheer waxaa laga hirgaliyay xaruumo waxbarasho oo dadka waa weyn gaar ahaan dumarka lagu baro qoraalka iyo aqriska maalmaha sebtiga iyo Axadda.

Kulanka wax ka qabashada Biya yarida ka jirta koonfur galbeed Oo Baydhabo Lagu qabtey

Diinsoortv Network Kulankan ayaa waxaa looga hadlaayey sidii Bulshada KG gaar ahaan kuwa Baydhabo loo gaarsiin lahaa Biyo ku filan faya dhowrka iyo wax ka qabashada baahiyahaad Biyaha ka jira sida ay ukala daran yihiin gaar ahaan meelaha ay degan yihiin dadka danyarta ah Barakacayaasha ay ugu horeeyaan.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisey Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka Biyaha dowlada KGS waxaana ka soo qeyb galay dhamaan Hay’addaha kala shaqeeyo Arrimaha Biyaha Wasaarada maadaama hada lagu gudo jiro Xiliga Kuleelaha taasna ay keentey in ay Biyaha sii yaaradaan

 

Tartan Kubada Cagta ah Oo Laga Daah-furey Magaalada Boosaaso Diinsoortv

Garoonka turmiyeeri ee Magaalada Bosaaso waxaa laga daah furey koobka Kubada Cagta ee Ardeyda Mahadka Citycoy collage waxaana Ujeedka koobka loo qabtey Ardeyda uu ahaa mid lagu donaaya in Ardeyda Macahadka kor looga qaadoya xariirka dhaxeeya ayaa waxaa Daahfurkiisa ka soo qeyb galey Gudoomiyaha dhalinyarada ee Degmada Boosaaso, Maamaulka Macahadka qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada bosaaso iyo masuuliyiin kale.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashey Dahfurka Koobka Tartanka Ciyaaraha ee Ardeyda Macahadka Citycoy collage ayaa ku Dheeradeey muhiimada dhalinyarada u leedahay tartanka ciyaaraha ee Kaalin weyn uga jira is dhaxgalka Bulshada.

Wacyigelinayo Ka hortaga Ka ganacsiga Gurmadka Oo Lagu qabtay Diinsoor. Wararka diinsoor

#diinsoortv

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Degmada Diinsoor ku daahfurey Wacyigelinta Bulshada ka hortaga ka ganacsiga Sahayda Gurmadka Bani’adannimada.

Kulanka Waxaa ka soo Qeyb galey Xubno ka tirsan Maamulka Degmada Diinsoor, Saraakiisha Ciidanka Booliska, Culimada deegaanka, iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Degmada Diinsoor.

Somali minister calls for cease-fire, end to massacre in Gaza

Somali Information, Culture, and Tourism Minister Daud Aweis Jama on Tuesday called for a “cease-fire as well as an end to Israel’s massacre against the Palestinian people.”

“I believe what is being done to the Palestinian people is inhumane,” Jama told Anadolu in Istanbul where he came to attend the Extraordinary Meeting of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) Information Ministers hosted by the Türkiye’s Communications Directorate.

Jama said that Somalia has always stood by the OIC member countries, condemning the atrocities perpetrated by Israel against the Palestinian people.

“Since October, the massacre has been continuing without any intervention. The main theme bringing us here today is to condemn the misinformation spread by the media while reporting on what is happening to the Palestinian people,” Jama noted.

“We want the Palestinian people to live freely. We call for the establishment of a Palestinian state based on the 1967 borders. Thus, we can have the two-state solution that we have long advocated for,” he said.

Jama expressed his belief that the only solution to the problems of the Palestinian people is “the establishment of their state.”

Speaking on the relations between Türkiye and Somalia, Jama said: “The Defense and Economic Cooperation Framework Agreement signed between the two countries is a historic one.”

“The two countries have good relations, which date back many years,” he said.

Jama underlined that the said agreement would elevate the relations to a different level and would be very beneficial to both countries.

Israel has launched a deadly offensive on the Gaza Strip since an Oct. 7 cross-border incursion by the Palestinian group Hamas, killing more than 29,700 people and causing mass destruction and shortages of necessities, while nearly 1,200 Israelis are believed to have been killed.

The conflict has pushed 85% of the territory’s population into internal displacement amid acute shortages of food, clean water, and medicine, while most of the enclave’s infrastructure has been damaged or destroyed.

Israel stands accused of genocide at the International Court of Justice, which in an interim ruling in January ordered Tel Aviv to stop genocidal acts and take measures to guarantee that humanitarian assistance is provided to civilians in Gaza.

Tel Aviv now plans a ground offensive in the southern city of Rafah, where 1.4 million people have taken refuge.

DFS OO SHAACISAY INAY SI BUUXDA GACANTA UGU HAYSO BADQABKA DUULIMAADYADA ISTICMAALA HAWADA

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay uu jiray walaac ku saabsan qaabka maamulida hawada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya loogu caddeeyay in badqadka hawada uu yahay mid wanaagsan.

Sidoo kale Hay’adda Duulista Rayidka ayaa intaasi kusii dartay in aysan jirin wax amni xumo ah oo ka jira hawada Soomaaliya, isla markaana diyaaradaha maraya hawada badqabkooda yihiin kuwo wanaagsan.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya.Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka dhamaadkii sanadka 2017-ka, hase yeeshee waxaa soo baxayay toddobaadyadii la soo dhaafay walaac ku saabsan qaabka maamulida hawada Soomaaliya.

14kii bishan Febraayo ayaa Duulimaad ay sameyneysay diyaarada Qatar Airweys oo ka timid dalka Jabuuti una socotay magaalada Muqdisho ayaa khalkhal la geliyay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaaliya

Dagaalyahannada Al Shabaab oo weerar ku miray saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in jihaadiyiinta Al Shabaab ay markale weeraro culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada soo duulayaasha Xabashida Itoobiya.

Xalay fiidkii ayay dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayeen balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Diinsoor.