(DIINSOORTV) Gudoomiyaha Degmada Baraawe ahna duqa caasimada Dowlada Koonfur Galbeed mudane Omar Sheikh Abdi Shafaana ayaa kulan la qaatey iskuduwayaasha wasaaradaha Dowlada Koonfur Galbeed ee ka howl gala magaalada Baraawe.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay iskuduwayaasha kala ah Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta,Wasaarada kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga,Wasaarada Tamarta iyo Biyaha,Wasaarada Diinta iyo Arimaha Owqaafta,Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Wasaarada Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta sare.
Kulankan ayaa waxaa shir-gudoominayey gudoomiye Omar Sheikh Abdi Shafaana waxaa uuna warbixinno kala ka dhegeystey dhamaan iskuduwayaasha kasoo qeyb galay kulanka, waxaa ayna ka warbixiyeen adeegyada ay u hayaan bulshada kudhaqan magaalada Baraawe.
Ugu dambeyn gudoomiye Omar oo kulanka soo xirey ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta in ay dardar geliyaan howlaha hortebinta leh.