Skip to content
March 9, 2026
  • home
  • facebook
  • tiktok
  • X
  • linkedin
  • youtube
  • linktr
Diinsoortv.com

Diinsoortv.com

#diinsoornewnetwork

Primary Menu
  • Home
  • WARARKA
  • WORDNEWS
  • Sport
  • Digil iyo mirifle
  • diinsoor
  • Video
  • dooyfoundation
  • About
  • Contact
  • LOGIN
Live
  • Home
  • WARARKA
  • Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo lagu soo dhaweeyey Imaaraadka
  • WARARKA

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo lagu soo dhaweeyey Imaaraadka

diinsoor March 1, 2024 2 minutes read
Laftagareen diinsoortv

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka bilaabay kulamo kala duwan oo xasaasi ah.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi, kaasoo uu kala hadlay arrimo ku aadan wada shaqeyntooda maamulka Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen 4 qodob oo kala ah xoojinta amniga, kobcinta mashariicda, taagerida tababarida iyo qalabaynta ciidanka iyo hormarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu faahfaahiyay kulanka labada dhinac.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dhinacyada Xoojinta amniga, kobcinta Mashariicda, Taagerida Tababarida iyo Qalabaynta Ciidanka iyo Hormarinta Kaabiyaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatah Mahad Cabdiraxmaan.”

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Koonfur Galbeed ay wajaheyso xaalado adag, sida dooda ka taagan arrinta doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, wuxuuna si gaar gaar ah ula macaamilaa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Imaaraadka taageero xoogan siiyaa ciidanka Soomaaliya, isaga oo ka qayb-qaata qalabeyntooda iyo tababaridooda.

408878238_968169238207461_10384166492378 425420443_968169274874124_30215173833748 429487496_968169544874097_39742304318762 429566533_968169584874093_31927920017944 429580205_968169464874105_40016681316396

About the Author

diinsoor

Administrator

DIINSOOR NEWS NETWORK Our mission is to provide vital transitional and cultural services, the dooymedia community to uphold cultural identity

Visit Website View All Posts

Post navigation

Previous: Maamulka degmada Baraawe iyo wasaaradaha KG oo kulan muhiim ah yeeshay
Next: Fawzia Yusuf Haji Adam challenges Kenya’s Raila Odinga for African Union’s top job

Related Stories

Dowlada koonfur galbeed
  • WARARKA

Daawo Wasaaradda qorshenta Dowlada koonfur galbeed oo lagu wareejiyay Gaadiid

diinsoor March 1, 2024
428523896_834803968690744_221243341704253959_n[1]
  • WARARKA

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Sawiro Diinsoortv Network

diinsoor February 29, 2024
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya
  • WARARKA

Warbixinta todobaadlaha ah ee waxqabadka dowladda Soomaaliya

diinsoor February 29, 2024
Sheikh maxamuud haaji Abdulbaari
Diinsoortv.com dooymedia Community Association #dooytechnonlgy Our mission is to provide vital transitional and cultural services, the dooymedia community to uphold cultural identit Email: : info@diinsoortv.com Contact Us: info@diinsoortv.com
Play
Play
Play
Play
Play
Play