Skip to content

HOGAAMIYE JIBRIIL AYAA XARIGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB GAROONKA CIYAARAHA DEGMADA DIINSOOR EE GOBOLKA BAAY.

Diinsoor,23,May, 2026: Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Garoonka Ciyaaraha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Munaasabadda xarig-jarka oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad goboleed, oo uu kamid yahay Wasiirka Dhalinyarada, maamulka degmada, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu bogaadiyey muhiimadda uu garoonkani u leeyahay horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhalinyarada deegaanka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in dhismaha garoonkani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo adeegyada bulshada, kor u qaadista isdhexgalka bulshada iyo horumarinta hibada dhalinyarada ee Gobolka Baay, gaar ahaan Degmada Diinsoor.

Sidoo kale waxay xuseen in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay taageeridda mashaariicda horumarineed ee kor u qaadaya adeegyada aas-aasiga ah iyo fursadaha dhalinyarada.

Leave a Reply