Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, isaga oo hambalyo, bogaadin iyo duco u diray hoggaanka cusub ee dhaqanka.Khudbad uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxa uu ku adkeeyay doorka lama huraanka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin nabadeynta, xalinta khilaafaadka iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.“Munaasabaddani waxay tusaale u tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Hoggaanka dhaqanku waa laf-dhabarta dib u heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo xasilloonida dalka,” ayuu yiri Madaxweynaha.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan hoggaanka dhaqanka Boqorada, Ugaasyada, Imaamyada iyo Malaaqyada in ay hormuud ka noqdaan mideynta bulshada iyo ilaalinta qiyamka suuban ee Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo dal nabdoon, horumarsan oo mideysan.Dhanka kale, madax ka tirsan mucaaradka oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa iyaguna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hoggaanka dhaqanku kaalin muuqata ka qaataan xal u helidda caqabadaha siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku baaqay wadahadal iyo isfaham qaran.Munaasabaddan ayaa noqotay madal muhiim ah oo ay ku kulmeen dhinacyo kala aragti duwan, iyadoo si gaar ah loo muujiyay awoodda dhaqanka Soomaaliyeed ee mideynta bulshada iyo dhisidda nabad waarta.




