Degmada Xudur Tababar kusaabsan xoojinta doorka Haweenka


Maamulka gobolka Bakool ayaa waxaa uu dah-furay tababar ku saabsanaa xoojinta doorka haweenka nabad galiyadda iyo amniga maamulka koonfur galbeed soomaaliya iyadoona wasaaradda haweenka iyo xaquuqal insaanka maamulka KGS ku qabatay degmada xarun xarunta gobolka Bakool.

Tababarka ayaa waxaa loo qabtay ku dhawaad konton haweenka degmada Xudur ah, waxaana maalgalisay hay’adda TIS-3 taasi oo ku sheegtay in haweenka laga caawin doono taheynta iyo horumarinta degaanka.

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Bakool Mudane Maxamed Cabdi (Tol) oo tababarka furay ayaa haweenkaan kula dar-daaramay in ay ka shageyaan wax yaabaha lagu horumarin karo degaanka.

Dhinaca kale maamulka gobolka Bakool ayaa hay’adda TIS-3 ka codsaday haweenka in laga caawiyo baahiyaha ka heysta waxyaabihii ay ku horumarin lahayeen degaanka.

Guddoomiye Tol ayaa hay’adda TIS-3 u jeediyay tolo ah in degmooyinka kale ee gobolka Bakool sida Ceelberde iyo Waajid lagu qabto tababarkaan oo kale si haweenka gobolka Bakool kaalin muuqda ay uga qataan xoojinta nabad galiyada iyo amniga gobolka

#diinsoortvnetwork

By DOOYMEDIA DIINSOORNEWS

Community Association Our mission is to provide vital transitional and cultural services, the dooymedia  community to uphold cultural identity #dooymedia #codkadooy #DIINSOOR

Related Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *