SOMALILAND OO KA HADASHAY BAARITAAN AY KU SAMAYSAY MEYDKA CABDINAASIR DAHABLE

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay Natiijada baaristaan ay ku sameeyeen Meydka Marxuum Cabdinasir Muuse Dahable, oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasi oo Meydkiisa shalay laga dejiyay magaalada Hargeysa. Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xarig cunaha lagaga ceejiyay Cabdinaasir Dahable, daanka bidixna uu jaban yahay,…