NIN DAB ISKU QABADSIIYEY AFAAFKA HORE EE SAFAARADDA ISRAA’IIL EE KU TAALLA WASHINGTON

Sida ay masuuliyiintu sheegeen nin ayaa xalay dab isku qabadsiiyay banaanka Safaaradda Israel ay ku leedahay Magaaladan Washington. Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa shaqaalaha gurmadka caafimaadka waxay ula carareen Isbital Washington ku yaala, ka dib markii ciidamo ka mid ah kuwa Secret Service ee ilaaliyaha madaxda iyo diplomaasiyiinta ay damiyeen dabkii uu isqabadsiiyay.

War kooban oo waaxda dab demiska ee magaaladan Washington ay soo dhigeen internetka ayey ku sheegeen in xaaladda ninkaasi ay halis tahay. Ciidamada Booliska ee magaaladan Washington iyo kuwa ilaalada madaxda iyo diplomaasiyiinta ayaa baaris ku haya dhacdadan.

Safaaradda Israel ayaa xilliyadan dambeba bar tilmaameed u aheyd dibad baxyo joogto ah oo iska soo horjeeda oo ku aaddan dagaalka Israel iyo Xamaaz ee Qaza.

Debedbaxyadan iska soo horjeeda ayaa Maraykanka ka dhacayay tan iyo bishii October 7-deedii, ka dib markii Xamas ay gudaha u gashay Israa’iil, kuna dishay 1200 oo qof 253 kalena ay ku qafaalatay.

Wixii markaa ka dambeeyay Ciidamada Israel ayaa duulaan ku qaaday Qaza, iyagoo inta baddan magaaladan burburiyay, iyagoo dilay sida saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiintu ay sheegeen dad ku dhow 30,000 oo qof.

diinsoornews

Writer & Blogger

All Posts

Diinsoortv.com key channel for brand awareness, engagement, lead generation, customer support and platform for people to discuss their issues and opinions. #dooymediat is a that allows people to share and exchange information’s, ideas, images, videos and even each other and more through our network. will cover some aspects of social media with its positive effect on particular fields like business, education, society and youth. During this Note DIINSOOR NEWS NETWORK will describe how it will affect Somali society in a broad way.

Sheikh maxamuud haaji Abdulbaari

info@diinsoortv.com

Welkom #diinsoornewnetwork Our mission is to provide vital transitional and cultural services, Constact us info@diinsoortv.com (visite our website Dinsoortv.com/

You have been successfully Subscribed! Ops! Something went wrong, please try again.

Quick Links

Home

Contact

Privacy Policy

As a passionate explorer of the intersection between technology, art, and the natural world, I’ve embarked on a journey to unravel the fascinating connections.
You have been successfully Subscribed! Ops! Something went wrong, please try again.

Quick Links

Home

Features

Terms & Conditions

Privacy Policy

Contact