Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku Qaabilay Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Nuur Siidow Baaba oo ay Wehliyaan Culimadii Qabatay Tartanka Quraanka Kariimka ee Koonfur Galbeed
Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Nuur Siidow Baaba ayaa Madaxweyne Laftagareen la Wadaagay Habsame usocodka Tartanka Quraanka Kariimka ee loo qabtay Ardayda ka kala timid Degmooyinka Koonfur Galbeed islamarkaana Caawa laso GABA-Gabeyey.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Wasiirka iyo Culimada uga Mahadcelieyey Qabashada Tartanka Quraan Akhriska waxaana uu Xusay in Abaalmarinta Ardayda Kaalimaha Hore ka galay Tartanka uu Siin doono Abaal marin Qaali ah.