Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Koonfur Galbeed Soomaaliya Dini Abdinur Mohamed ayaa Xafiiskeeda kula kulmay Wasiiradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Ambassador khadija Mohamed Al-Makhzuumi.
Wasiir Dini ayaa uga warbixiyey Wasiiradda Deegaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xaaladda Guud ee Isbedelka Cimilada iyo siday u saamaysay Deegaanada Koonfur Galbeed.
Wasiirad Khadijo ayaa balan qaaday in Mashaariicda Kasoo kabashada Aafootinka Isbedelka Cimilada laga filin doono Deegaanada KGS dhowaan.