Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda koonfur galbeed oo u kuurgalaya adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha caafimaad ee ku yaala Magaalada Baydhabo.
Ujeedada kormeerka ayaa ahaa u kuurgalida howlaha caafimaad ee xarumahaan, baahiyaha ka jira iyo sidii loo laba jibaari lahaa adeegyada caafimaad ee bulshadu u baahan yihiin.
Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Shaqaalaha Dr Xasan Cabdi Cali ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha caafimaad ee xarumahaan shaqada wanaagsan ay bulshadooda u hayaan isagoo sheegay in la ogaan doono baahiyaha jira iyo horumarada laga gaaray adeeg bixinta caafimaadka.