Get Consultation Now!

Edit Template

WASIIRRO KA TIRSAN MAAMULKA HIRSHABEELLE

Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cabdifataax Xasan Faarax iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamuud Sheekh Cali Salaad.

Labada Wasiir ayaa soo bandhiggay waxqabadka Wasaarradaha ay kala hoggaaminayeen ka hor inta aysan xilalka ku kala wareegin.

“Waan idin ku ammaanayaa doorkiina hore ee hoggaamineed, Wasaarradaha la idiin kala beddelay waxaan rajeynayaa inaad ka sameyn doontaan isbeddel cusub haddii uu Alle idmo.” Ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xubnaha ayaa ka mid ahaa isku-shaandheyn iyo magacaabis dhawaan uu ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada madaxweynaha  Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe.

Previous Post
Next Post

Most Recent Posts

  • All Posts
  • ARIMAHA BULSHADA
  • Business
  • CIYAAR/SPORT
  • Digil iyo mirifle
  • DIINSOOR
  • Entrepreneurship
  • Technology
  • WARARKA
  • WORDNEWS

Explore Our Services

Reasonable estimating be alteration we themselves entreaties me of reasonably.

Tags