Skip to content

Get Consultation Now!

Edit Template

Daawo Farmaajo oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho,.

(Diinsoortv)  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mudo laba sanno kadib Maanta dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweyne hore Maxamed Farmaajo, waxaana oo si kooban warbaahinta ula hadlay Farmaajo oo ka Warbixiyay ujeedka safarkiisa uu ku yimid Muqdishio.

Farmaajo ayaa waxa uu sheegay inuu sii amba-qaadayo dadaallada xoojinta midnimada iyo wadajirka dadka, wuxuuna tilmaamay inay waajib tahay in marxaladdan xasaasiga ah looga bixi karo in meel iska dhigo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

“Maanta, waxaan dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho oo aan ka sii amba-qaadayno dadaallada xoojinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna. Marxaladdan xasaasiga ah waxaa waajib ah in aynu gacmaha is qabsanno oo meel iska dhigno khilaafaadka siyaasadeed” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa imaanshihiisa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo muddooyinkii Dambe ay dalka ka taagnayd Ismaandhaafka wax ka badelka dastuurka, isagoo ka mid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo diiday sida uu wax wado madaxweyne Xassan Sheekh.

Maalmaha soo socda ayuu khudbad ka jeedin doona Baarlamanka Soomaliya oo ay ka socoto haatan dooda wax ka bedelka dastuurka.

 

Previous Post
Next Post

Most Recent Posts

  • All Posts
  • ARIMAHA BULSHADA
  • Business
  • CIYAAR/SPORT
  • Digil iyo mirifle
  • DIINSOOR
  • Entrepreneurship
  • Technology
  • WARARKA
  • WORDNEWS

Explore Our Services

Reasonable estimating be alteration we themselves entreaties me of reasonably.

Tags