Get Consultation Now!

Edit Template

Daawo,-Maxaa Looga Hadlay Kulanka Labada Aqal Ee Somaliya

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeenka labaad aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Xildhibaannada iyo Sanatarrada waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada 1-aad iyo 2-aad ee Cutubka 4-aad oo la xiriira doorashooyinka iyo matalaada Shacabka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray kulanka ayaa waxa uu sheegay doodda madaxyada saddexaad iyo afaraad ee gunaanadka u ah cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah ay sii socon doonto, isagoo sheegay in beri oo talaadada ah uu jiro kulanka baarlamaanka.

Previous Post
Next Post

Most Recent Posts

  • All Posts
  • ARIMAHA BULSHADA
  • Business
  • CIYAAR/SPORT
  • Digil iyo mirifle
  • DIINSOOR
  • Entrepreneurship
  • Technology
  • WARARKA
  • WORDNEWS

Explore Our Services

Reasonable estimating be alteration we themselves entreaties me of reasonably.

Tags