











Former Somali Foreign Minister Fawzia Yusuf Haji Adam has announced her run for the African Union Commission (AUC) Chairperson role, setting up a notable contest against Kenya’s former Prime Minister Raila Odinga. Adam could be the first Somali to occupy this significant position if elected for the term spanning 2025 to 2028
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi, kaasoo uu kala hadlay arrimo ku aadan wada shaqeyntooda maamulka Koonfur Galbeed.
Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen 4 qodob oo kala ah xoojinta amniga, kobcinta mashariicda, taagerida tababarida iyo qalabaynta ciidanka iyo hormarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu faahfaahiyay kulanka labada dhinac.
“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dhinacyada Xoojinta amniga, kobcinta Mashariicda, Taagerida Tababarida iyo Qalabaynta Ciidanka iyo Hormarinta Kaabiyaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri.
Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatah Mahad Cabdiraxmaan.”
Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Koonfur Galbeed ay wajaheyso xaalado adag, sida dooda ka taagan arrinta doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, wuxuuna si gaar gaar ah ula macaamilaa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale Imaaraadka taageero xoogan siiyaa ciidanka Soomaaliya, isaga oo ka qayb-qaata qalabeyntooda iyo tababaridooda.
Â
Â
Â
 
(DIINSOORTV)Â Gudoomiyaha Degmada Baraawe ahna duqa caasimada Dowlada Koonfur Galbeed mudane Omar Sheikh Abdi Shafaana ayaa kulan la qaatey iskuduwayaasha wasaaradaha Dowlada Koonfur Galbeed ee ka howl gala magaalada Baraawe.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay iskuduwayaasha kala ah Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta,Wasaarada kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga,Wasaarada Tamarta iyo Biyaha,Wasaarada Diinta iyo Arimaha Owqaafta,Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Wasaarada Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta sare.
Kulankan ayaa waxaa shir-gudoominayey gudoomiye Omar Sheikh Abdi Shafaana waxaa uuna warbixinno kala ka dhegeystey dhamaan iskuduwayaasha kasoo qeyb galay kulanka, waxaa ayna ka warbixiyeen adeegyada ay u hayaan bulshada kudhaqan magaalada Baraawe.
Ugu dambeyn gudoomiye Omar oo kulanka soo xirey ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta in ay dardar geliyaan howlaha hortebinta leh.



Munaasabad kooban ee Wareejinta gaariga ayaa ka Qabsoontay xarunta wasaarada Qorsheynta waxaana Ka Soo Qaybgalay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Dowlada koonfur galbeed Mudane Hussein Sheikh-hussein Agaasimaha Guud wasaarada Qorsheynta Mudane Yakub Isak Hussein iyo Madax ka socotay hey’ada GIZ xafiiska Baydhabo.
Wasiirka wasaarada Qorsheynta ayaa uga mahad celiyey hey’ada GIZ Wada shaqeynta wagaasan ee kala dhaxeysa wasaarada waxa uuna xusay in gaarigaan Loogu Talagalay in lagu Fududeeyo adeeg bixintan wasaarada.





Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Madaxweybaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.
“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arki jirin, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimilada”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimilada, isaga oo adkeeyay in dalalku ay u sinnaadaan fursadaha maalgashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.
” In si wanaagsan loo maareeyo, loona ilaaliyo badqabka deegaanka Soomaaliya, iyadoo dowladdeena ay ka go’an tahay arrinkaas, waxay xaqiijin doontaa in kheyraadkeenna baaxadda leh oo ay ka mid yihiin baddeenna, dhulka hodonka ah iyo xoolaha aan ku tilmaamannahay ay fursad u noqdaan shaqo abuurka, tamarta cagaaran iyo kobac dhaqaale ee dalkeenn iyo guud ahaan Geeska Afrika”.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya diyaarisay shuruucda lagu ilaalinayo deegaanka iyo qorsheyaasha lagu fulin lahaa, iyadoo bartamaha sannadkan dalka laga mamnuucayo bacaha iyo balaastiigga waxyeeleeya deegaanka, taas oo ay barbar socoto barnaamijka lagu dhireynayo Soomaaliya oo bilowday sannadkii 2022.




