Trump Iyo Biden Oo Ku Tartamaya Madaxtinimada Maraykanka

Biden waxa uu la kulmay mucaarad magac u yaal ah, si uu u noqdo musharraxa Dimoqraadiga, waxaana uu xalay ka gudbay tiradii ergada ee looga baahnaa oo aheyd 1,968, sida ah qortay Reuters.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku guuleystay magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxweynaha, kadib markii uu helay ergo ku filan.

Trump ayaa ku guuleystay doorashooyinkii shalay ka dhacay gobollada Georgia, Mississippi, Washington iyo Hawaii, isaga oo helay 137 oo ergo oo dheeri ah oo uu baahnaa, si uu ugu guuleysto musharaxnimada.

Guushii Trump ee Washington ayaa ka caawisay inuu dhaafo 1,215 ergo, oo aheyd tirada guud ee lagu helayo musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga, oo cidna aysan hadda kula tartameyn.

Trump wuxuu bilwgii doorashada la loolamay dhowr musharrax, oo ay ku jiraan safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley iyo guddoomiyahaa gobolka Florida Ron DeSantis, kuwaas oo dhammaantood xilli dambe ka haray doorashada.

Musharixiinta kale, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Trump, Mike Pence, ayaa isaga baxay doorahsada bilo kahor sababo la xiriira taageero la’aanta codbixiyayaasha oo sida muuqata intooda badan ay doorbidayaan Trump.

Labada musharrax, Biden iyo Trump ayaa si buuxda u ololeynaya siddeed bilood ka hor doorashada, iyaga oo midba midka kale ku weeraray fursad kasta oo suurtagal ah


By DOOYMEDIA DIINSOORNEWS

Community Association Our mission is to provide vital transitional and cultural services, the dooymedia  community to uphold cultural identity #dooymedia #codkadooy #DIINSOOR

Related Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *