Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Guddoomiyaha Bangiga iyo Horumarinta

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda in Marwo Hodan Cismaan ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halka Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu ansixiyey shirka Hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.

Golaha Wasiirrada, ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

By DOOYMEDIA DIINSOORNEWS

Community Association Our mission is to provide vital transitional and cultural services, the dooymedia  community to uphold cultural identity #dooymedia #codkadooy #DIINSOOR

Related Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *