Kulanka ayaa looga hadlay fulinta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee Difaaca iyo Dhaqaalaha ee laba dal ay mar dhow ku kala sixiixdeen magaalada Ankara.
Arrimaha kulanka loogaga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta tababar iyo qalabeyn Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed( GorGor) iyo xoojinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta dalkeena iyo diinteena ku soo duushey.
Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada Badda,Dhulka iyo Masuuliyiin ka Socotay Wasaarada Difaaca Dalka Turkiga.
Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ee XDS Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen Dayax Cabdi cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.