Hay’ado Caalami ah oo gaaray degmada (Qansaxdheere) (DIINSOORTV)

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Degmada Qansax-dhere Abdrisak abdi Ibraahim G.ku xigeenka arimaha samafalka gobolka baay iyo Sarakiil ka socotay hay’adaha calamiga ah WFP,UNICEF iyo WHO ayaa soo gaaray Degmada Qansax-dheere si wax looga qabtay xaaladaha bini’aadinimo oo ka jiraan degmadaasi.

Madaxda ka socotay Hay’adaha ayaa waxay booqdeen qaar kamid ah IDP-yada, xarumaha cafimadka iyo goobo kale iyadoona wax ka oganayeen xaalada goobaha ay booqashada ku marayeen.

Guddoomiyaha degmada Qansax dheere Abdirisak Abdi ayaa wefdiga warbixino ka siinaayay xaladaha ka jiraan degmada si gaar ah kaamamka iyo xaruumaha caafimaadka.

gudoomiyaha ayaa sheegay in beeralayda ku nool degmada Qansax dheere iyo tuulooyinka hoos taga in ay si aad ah u sameyeen roobabkii dhawaan ka da’een degmadaasi iyadoo dhamaan dalagyadii la tageen.

Maamulka degmada ayaa codsaday in deg deg ah gurmad lala soo gaaro bulshada ku nool degmada ee sameyeen xaaladaha kala duwan.

          

By DOOYMEDIA DIINSOORNEWS

Community Association Our mission is to provide vital transitional and cultural services, the dooymedia  community to uphold cultural identity #dooymedia #codkadooy #DIINSOOR

Related Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *