SOMALILAND OO KA HADASHAY BAARITAAN AY KU SAMAYSAY MEYDKA CABDINAASIR DAHABLE

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay Natiijada baaristaan ay ku sameeyeen Meydka Marxuum Cabdinasir Muuse Dahable, oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasi oo Meydkiisa shalay laga dejiyay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xarig cunaha lagaga ceejiyay Cabdinaasir Dahable, daanka bidixna uu jaban yahay, halka xiniinta bidix iyo isha bidixna ay ka muuqdaan calaamado muujinaya barar iyo dhaawac.

Agaasime Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay tallaagadi uu ku jiray Maydka Cabdinaasir in laga jaray korontada, waa sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha oo xusay in dhibaatooyin la gaarsiiyay marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdinasir Muuse ayaa maalmo kahor meydkiisa laga helay gurigii uu ka daganaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu dilay, isagoona la tilmaamay inay jirkiisa ka muuqdeen xilligii loo tagayay jirdilo.

Cabdinaasir Dahable ayaa katirsanaa Shaqaalaha Hay’adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya, waxaana uu kasoo laabtay waxbarasho dibada ah oo la xariirtay cilmiga Hagidda Hawada, isagoo horey uga mid ahaa Shaqaalaha ICAO qeybteeda Hargeysa.

0 comment

0 

   

diinsoornews

Writer & Blogger

All Posts

Diinsoortv.com key channel for brand awareness, engagement, lead generation, customer support and platform for people to discuss their issues and opinions. #dooymediat is a that allows people to share and exchange information’s, ideas, images, videos and even each other and more through our network. will cover some aspects of social media with its positive effect on particular fields like business, education, society and youth. During this Note DIINSOOR NEWS NETWORK will describe how it will affect Somali society in a broad way.

Sheikh maxamuud haaji Abdulbaari

info@diinsoortv.com

Welkom #diinsoornewnetwork Our mission is to provide vital transitional and cultural services, Constact us info@diinsoortv.com (visite our website Dinsoortv.com/

You have been successfully Subscribed! Ops! Something went wrong, please try again.

Quick Links

Home

Contact

Privacy Policy

As a passionate explorer of the intersection between technology, art, and the natural world, I’ve embarked on a journey to unravel the fascinating connections.
You have been successfully Subscribed! Ops! Something went wrong, please try again.

Quick Links

Home

Features

Terms & Conditions

Privacy Policy

Contact