Wareegto uu soo saaray Muuse Biixi Madaxweynaha Somalialnd ayuu ku sheegay in la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka dhamaan doorashada Madaxtinimada iyo kuwa Asxaabta.
Halkan hoose ka aqriso wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland;
Wareegto Madaxweyne 21.04.2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda
Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
eer Madaxweyne Lr. 24/042024
Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;
Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;