Get Consultation Now!

Edit Template

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dad kala duwan ayaa xaqiijiyey weerarkaas oo ka dhacay deegaanka Daaru Nicma ee ka tirsan degmada Aadan yabaal, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa macawisleyda deegaanka.

Waxay intaa ku dareen wararku in ciidanku ay ka sii war heleen in Al Shabaab ay ku soo socdaan, ka dibna ay xerada u baneeyeen, laakinse ay meel dhexe labada dhinac isaga hor yimaadeen oo sidaas uu dagaal ku dhex maray.

Waxaan kala caddayn cidda iminka gacanta ku haysa deegaanka daaru Nicma.

Dawladda Soomaaliya iyo laamaha amniga ilaa hadda kama hadlin, khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kala gaarayna weli ma cadda.

Saraakiil la socda xogta weerarkaas ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, laakinse aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Previous Post
Next Post

Most Recent Posts

  • All Posts
  • ARIMAHA BULSHADA
  • Business
  • CIYAAR/SPORT
  • Digil iyo mirifle
  • DIINSOOR
  • Entrepreneurship
  • Technology
  • WARARKA
  • WORDNEWS

Explore Our Services

Reasonable estimating be alteration we themselves entreaties me of reasonably.

Tags