GUDOOMIYIHII HORE DEGMADA DIINSOOR OO FARIIN U DIREY SHACABKA

Abdisalan Haji Ssiidow

Waxaan rabaa inaan degelkeygan kala hadlo bulshada ku dhaqan degmada Diinsoor oo ay ka jirto xaalad adag oo aan indhaha laga daawan karin

Ugu horeyn reer Diinsoorow haddii aad nolol rabtaan waxaa khasab ah inaad nabad raadisaan hadii nabad la waayo nolol majiri karto taasoo ku khasbeysa dadka ku nool magaalada inay maciin bidaan meelo kale oo ay ka yihiin barakac iyo minority noloshuna ay noqoneyso mid aad u adag ilaaheyna waa idin darnaanaa waayo nabadii idinkaa gacantiina ku isku seejiyey,

Nabadda yaa diidan? Waxaan hubaa in dadka jooga magaalada aysan abaabulkeedu laheyn oo ay jiraan gacmo kale oo magaalada ka baxsan ha ahaadaan dadkii kasoo jeeday oo banaanka jooga ama kuwo kale, kaalinta reer diinsoor ay qaateen ayaa ah inay ku shaqeeyaan maskax qof kale oo jooga meel nabad ah balse dhibku idinkaa dhadhaminaya

“Dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho” hadey saas tahay waxaa la rabaa qof kastoo jooga magaalada xil ayaa ka saaran mahan keliya maamulka degmada inuu xilka leeyahay idinkuba wax waad qaban kartaan ee isqabta oo is-hadal maqla maskaxdiina dajiya dantiinana garta maamulkana la shaqeeya waayo idinkuu idin yahaye.

Dadka qaar ayaa xil ku raadinaya daadinta dhiigga qof muslim ah oo sooman, xilka Alle ayaa bixiya qofkuu doono ayuu siiyaa ee wado khaldan yaan lagu raadin.

Ugu dambeyn waxaan labada dhinac ee is-nuuxnuuxsanaya u sheegayaa hadii uu dagaal dhaco dad badan oo agtiina qiima ku leh dagaalna aan ku jirin ayaa weyneysaan shalayna gadaal ayuu jiraa ee intey goori goor tahay walaalayaalow dhaqankaan wax ka bedela dowladiinana u hogaansama oo kuwiina talada haya warkooda maqla lana shaqeeya waayo hal iyo labo qof wax ma qaban karaan

By DOOYMEDIA DIINSOORNEWS

Community Association Our mission is to provide vital transitional and cultural services, the dooymedia  community to uphold cultural identity #dooymedia #codkadooy #DIINSOOR

Related Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *